Waxaa sii korortay dhimashada ka dhalatay dhul gariir ku dhuftay jasiirradda Sulawesi ee dalka Indonesia iyadoo ilaa iyo hadda ay dhinteen ugu yaraan 35 qof halka in ka badan 600 oo qof ay ku dhaawacmeen.
Cabbirka dhul garirkan ayaa lagu sheegay 6.2 wuxuuna saameeyay waqooyiga bari ee magaalada Majene.
Dhaawaca oo tiro badan ayaa hadda la geeyay isbitaal ku yaalo magaaladaasi si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
Mid ka mid ah kooxaha gurmadka ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawaca uu isbitaalka buux dhaafiyay .
26 dhimasho ayaa laga soo tabiyay magaalada Mamuju, halka 8 kalena laga soo tabiyay magaalooyinka dhaca galbeedka jasiiradda Sulawesi.
Sawirro iyo muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dhibaatada ka dhalatay dhismayaasha dumay iyo dad badan oo dhismayaashasi ay ku soo dumeen.
Waaxda maareynta musiibooyinka ee Indonesia ayaa sheegtay in maqaaxi iyo xafiiska barasaabka galbeed Sulawesi uu soo gaaray khasaare lixaad leh.
Sidoo kale waxaa uu burbur soo gaaray waddooyinka, buundooyinka iyo korontada jasiiradaasi.
Kumanaan kun oo qof ayaa isaga cararay guriyahooda si ay badbaado u helaan madaama ay cabsi ka qabaan dhul gariirka.
Khabiir sare oo ka tirsan waaxda saadaasha hawada wadankaasi ayaa ka digay in dhacdadan ay noqoto mid Tsunami ah.
2018-kii ayay aheyd markii dhul gariir cabirkiisu lagu sheegay 6.2 uu ku dhuftay waqooyiga jasiirrada Sulawesi oo ay ku dhinteen kumanaan qof.