Waxaa weli la la’yahay haweeney ganacsata ah oo lagu magacaabo Ann Njeri oo dhawaan dibadda ka soo dejisay shidaal ku kacaya 17 bilyan oo shilin.
Shidaalka oo ah nooca naaftada ayay ka keentay dalka Turkiga.
Qareenkeeda, Cliff Ombeta ayaa warfidiyeenka u sheegay in markii dad ugu war dambeysay Ann Njeri looga yeeray xarunta dambi baarista ee DCI-da si ay farriin u qorto.
Farriinta ayaa salka ku haysa muran la xiriira cidda rasmiga ee leh shidaalka wadanka la keenay maadaama ay isku haystaan labo shirkadood oo kala ah Galana Energies iyo Ramco.
Shidaalka ayaa mug ahaan lagu sheegay 100,000 metric tons.
Cliff Ombeta ayaa laga soo xigtay in taleefoonka Ann Njeri la damiyay halka DCI ay iska fogeysay inay gacanta ku hayso.
Ombeta ayaa sheegay in maamullada ammaanka iyo laba shirkadood ay su’aal geliyeen sida ay haweeneydan ku heshay 17 bilyan oo ay shidaal uga soo iibsatay wadanka dibadiisa.
Waxaa uu intaasi ku daray in Njeri ay shidaal ka ganacsanaysay muddo 33 sano ah.