Wasiiradda wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dalka Koonfur Afrika Naledi Pandor ayaa sheegtay in ay tahay in xabsiga loo taxaabo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu .
Arrintan ayay shaaca uga qaadday faallo ay ku qortay wargeyska Sunday Times ee dalkaasi.
Waxay sheegtay inay rajeynaysa in maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee (ICC) ay Netanyahu u jarto warqad waaran ah oo lagu soo xiraya.
Waxay dacwad oogadaha ICC-da ugu baaqday inuu dedejiyo baaritaannada la xiriira gaysashada dembiyo dagaal , dembiyo ka dhan ah aadanaha iyo xasuuq.
Pandor ayaa ku talisay in dembiyadan lagula xisaabtamo Netanyahu iyo qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada.
Dalka Koonfur Afrika ayaa ka mid ah waddamada cambaareeyay duqeymaha Israa’iil ay ka wado Qaza waxayna dib ugu yeeratay safiirkii ku matalayay Israa’iil.