DHAGEYSO:Siyaasiyiinta Azimio oo dowladda ku dhaliilay qiimaha sarreeya ee maciishadda

0
214

Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ee kala ah senatarka ismaamulka Nairobi Edwin Sifuna, dhigiisa Vihiga Godfrey Osotsi , xildhibaanka deegaanka Bumula Jack Wanami Wamboka iyo Beatrice Elachi oo laga soo doortay deegaanka Waqooyiga Dagoretti ayaa dowladda dhexe ku dhaliilay inay sababtay qiimaha sarreeya ee maciishadda ka dib markii ay kordhisay canshuurta iyo qiimaha shidaalka.

Arrintan ayay ka hadleen xilli ay ka qayb galeen aaska Jeff Khaemba oo ahaa soo saaraha wararka siyaasadda ee telefishinka K24TV.