Madaxweynaha dalka oo sheegay in sare loo qaadaya iskaahsiga Kenya kala dhexeya Sacuudiga

0
215

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dadaallada dibloomaasiyadeed ee Kenya ay yihiin kuwo diiradda lagu saaraya ganacsiga iyo maalgashiga si shaqo abuur loogu sameeyo muwaadiniinta.
Waxaa uu qoraal ku sheegay in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhexeysa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Dhinacyada ay si gaar ah iskaga kaashanayaan ayaa ah ganacsiga , maalgashiga , beeraha, tamarta la cusbooneysiin karo iyo amniga gobolka.
Madaxweyne William Ruto ayaa magaalada Riyadh kulamo kula qaatay wasiirrada tamarta iyo maaliyadda ee Sacuudi Carabiya ee kala ah Cabdulcasiis bin Salmaan iyo Maxamad Al-Jadaan.
Dhanka kale, hoggaamiyaha dalka ayaa xusay in Kenya ay bogaadinaysa oo ay sii wadi doonto xiriirka wanaagsan ee ay la leedahay Suudaanta Koonfureed gaar ahaan dhanka mashaariicda kaabayaasha si loo xoojiyo isdhexgalka bulshada iyo ganacsiga gobolka.
Madaxweynaha dalka ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay dhigiisa Suudaanta Koonfureed Salva Kirr.
Waxaa uu xusay inay bogaadinayaan geeddisocodyada urur goboleedka IGAD iyo kuwa magaalada Jeddah ee ku aaddan in nabad waarta lagu soo dabbaalo wadanka Suudaan.