Maamulka SSC-Khaatumo ayaa soo bandhigay ugu yaraan 10 maxaabiis ah oo ka tirsan ciidamada Soomaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaallo shalay ka dhacay deegaanka Buq-dharkayn.
War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in maxaabiistan ay ku jiraan saraakiil sare sare iyo sidoo kale gaadiid dagaal iyo hub.
Wareysiyo laga qaaday maxaabiista ayay ku sheegeen, in si wanaagsan loola dhaqmay markii la soo qabtay.
Qaar ka mid ah oo dhaawacyo qaba ayuu maamulka SSC-Khaatumo u sameeyay daryeel.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay, in madaxweynaha Somaliland uu ku guulaystay inuu colaad ka abaabulo gobolka Sool, iyagoo sheegay in ciidankiisa ay duullaan ku soo qaadeen dad reer guuraa ah ayna dileen dhowr qof oo shacab ah.
Waxaa uu maamulka intaasi ku daray inuu diyaar u yahay in shacabkiisa ka difaaco waxay ugu yeereen duullaan qaawan oo laga soo abaabulay magaalada Hargeysa.
Waxay tilmaameen in madaxweyne Muuse Biixi uu maalin walba ciidamo ku soo daabulayo Oog, si uu colaad joogto ah uga sameeyo dhulka SSC-Khaatumo.
Dhanka kale, saaka deegaano u dhexeya Yeyle iyo Oog ayaa laga soo sheegayaa inuu ka socdo dagaal u dhexeya labada dhinac.
Ma jirto wax faahfaahin ah oo weli ka soo baxay dagaalkaasi.