DHAGEYSO:Xildhibaanka Lagdera oo madaxweynaha ku dhaliilay inuunan ka hadlin arrimaha daadadka

0
232

Xildhibaanka deegaanka Lagdera ee ismaamulka Garissa Cabdiqaadir Xuseen Maxamad ayaa ka falceliyay khudbadii uu shalay madaxweyne William Ruto u jeediyay baarlamaanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in hoggaamiyaha dalka uu ka hadlay arrimo badan oo muhiim ah oo ku saabsan qorshaha horumarineed ee dowladda.
Mudanaha ayaa sheegay in madaxweynaha uunan caddeyn tallaabooyinka ay dowladda dhexe wax uga qabanaysa saameynta daadadka ku dhuftay qaybo ka mid ah wadanka oo ismaamulka Garissa uu ka mid yahay.

Xildhibaannada laga soo doortay deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa Mishi Mboko ayaa dhankeeda hoosta ka xarriiqday in khudbadii madaxweynaha ee shalay ay u badnayd qorshayaal muddo badan qaadanaya si loo hirgeliyo oo uunan xal cad u hayn sida ay hadalka u dhigtay sicir bararka nololeed ee jira, yareynta qiimaha shidaalka , tacliinta jaamacadaha iyo shaqaaleysiinta dhallinyarada ka soo qalin jabiyay xarumaha sare ee waxbarashada.

Dhanka kale kenyaanka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay nuxurka khudbadii madaxweynaha dalka William Ruto .
Qaar ka mid ah ayaa soo dhaweeyay qorshayaasha uu shaaca ka qaaday waxayna ku baaqeen in dowladda weli muddo dheeraad ah la siiyo halka kuwo kalena ay ka codsadeen inuu si degdeg ah hoos ugu dhigo qiimaha sarreeya ee maciishadda.