Xildhibaanka deegaanka Koonfurta Gatundu Moses Kuria oo 75,000 lagu ganaaxay

0
606

Maxakamad ku taalla ismaamulka Kiambu ayaa lagu soo warramayaa in ay mudanaha laga soo doortay deegaanka Koonfurta Gatundu Moses Kuria dul dhigtay 75,000 oo ganaax lacageed ah.
Tani ayaa timid ka dib markii la qabtay isaga iyo 30 eedeysanayaal oo kale oo loo haysto in aynan ilaalin xeerarka lagu xakameynaya faafidda fayraska Corona.
Mudanaha iyo shakhsiyaadka kale ayaa laga qabtay deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu, xilli lagu guda jiray saacadaha bandowga habeenkii iyagoo loo sii gudbiyay saldhigga booliska Karuri ee ismaamulkaasi.
Dowladda ayaa horay uu soo saartay amarro ay ku mamnuucayso in la socdo xilliga habeenkii wixii ka dambeeyo 8-da fiidnimo 5 ismaamul oo kala ah Nairobi, Kiambu, Kajiado, Machakos iyo Nakuru halka 42-da dowlad deegaan kale uu bandowga bilaabanaya 10-ka habeenimo.
Waxaa ay sidoo kale mamnuucday isu imaatin dadweyne.