DHAGEYSO:Senatarka cusub ee Garissa oo la dhaariyay

0
604

Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji oo uu dhalay senatarkii geeriyooday ee ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa maanta loo dhaariyay qabashada jagadii uu aabihii hayay.
Waxaa lagu dhex dhaariyay aqalka sare ee dalka oo uu ku matali doono shacabka dowlad deegaankaas.
Senatarka cusub ee Garissa ayaa ku dhaartay in uu si daacadnimo ay ku dheehan tahay sidoo kalena waafaqsan xeerarka dalka ugu adeegi doono dadweynaha ku nool Garissa.

Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay waxgaradka, siyaasiyiinta, culimada , dhallinyarada iyo haweenka ismaamulka Garissa oo uu sheegay in ay Sharaf u tahay inuu aqalka sare ku matalo.
Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf ayaa xusay in dadweynaha Garissa ay qaateen go’aan taariikhi ah.
Waxaa uu ku celceliyay in uunan marnaba dayici doonin kalsoonida ay u muujiyeen sidoo kalena kala duwanaansha kasta oo dhanka aragtida ah uu dhageysan doono si heshiis loo gaaro.
Dhaarinta senatarka ayaa timid ka dib markii shacabka Garissa oo ay siyaasiyiin iyo waxgarad hor kacayaan ku heshiiyeen in uu la wareego xilkii uu aabihii baneeyay iyada oo aynan cidna la tartamin.
Waxaa tani xigtay in 6-dii bishan Afaraad guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu soo saaray qoraal rasmi ah oo uu ku caddeynayo in Cabdiqaadir Maxamad Yuusuf Xaaji uu noqonaya senatarka Garissa maadaama aynan cidna isu soo saarin in ay la tartanto.
Alle ha u naxariistee Maxamad Yuusuf Xaaji oo shacabka Garissa ku matalayay aqalka sare tan iyo sanadkii 2013-kii ayaa geeriyooday 15-kii bishii labaad ee sanadkan.