Boqorka Urdun oo ku boorriyay madaxda Carabta inay ku hadlaan hal cod

0
304

Boqorka Jordan Boqor Cabdullahi II ayaa maanta qaabilay tiro wasiirro dibadeed ee matalayay waddamada Carbeed.
Waxaa uu ku boorriyay inay hal cod kaga hadlaan xaaladda marinka Qaza ee dalka Falastiin, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Boqorka Urdun ayaa intaasi ku daray inay waajib ku tahay in dalalka Carabta ay beesha caalamka ku cadaadiyaan joojinta duullaanka ay Israa’iil ku hayso shacabka Falastiin gaar ahaan magaalada Qaza.
Waxaa uu cambaareeyay dilalka dadka rayidka ah ee Qaza iyo Daanta Galbeed, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.