Wabiga Jubba ee dhexmara qaar ka mid ah deegaano iyo degmooyinka ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa saacadahii la soo dhaafay sameeyay fatahaado xooggan oo ay ka barakaceen boqolaal qoys.
Meelaha uu wabiga fatahaadaha ka sameeyay waxaa ka mid ah degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baardheere oo dhamaantood ka tirsan gobolka Gedo, waxaana sidoo kale fataahadu ay baabi’isay dalagyo dhowr ah oo ku yaallay dhul beereed baaxad leh.
Fatahaada wabiga Jubba uu ka sameeyay degmooyinkaan ka tirsan Gedo ayaa timid ka dib markii wabiga oo biyahiisu aad u sareeyeen ay haddana halkaasi ka da’een roobab xooggan, kuwaas oo sii kordhiyay biyaha wabiga, islamarkaana sababay inuu karkaarada ku jabsado xaafadaha kala duwan ee degmooyinkaasi.
Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo laga soo wariyay degmooyinka ay fatahaadu ku dhufatay marka laga soo tago in dadka deegaanadaasi ay isaga barakaceen guryahoodii.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in haatan xaalado adag oo dhanka nolosha ah inay wajahayaan dadkii ka barakacay fatahaada wabiga Jubba uu ka sameeyay inta badan degmooyinka gobolka Gedo.