Turkiga oo lagu xiray qof ku eedeysan ka ganacsiga daroogada

0
234

Dowladda dalka Turkiga ayaa sheegtay inay xirtay Hakan Ayik oo lagu tilmaamay qof baxsad ah oo ay raadinaysa Australia.
Ninkan ayaa ku eedeysan ilaa 36 dembi oo ay ka mid yihiin ka ganacsiga daroogada, dilal , boob hantiyeed iyo dhaqidda lacagaha .
Waxaa loo haystaa inuu qayb ka yahay koox caalami oo gaysata dembiyada abaabulan oo ay ku daba jiraan maamullada Maraykanka iyo New Zealand .
Wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Cali Yerlikaya ayaa sheegay in Hakan Ayik laga qabtay magaalada Istanbul .
Kooxda uu ninkan ka tirsan yahay ee la doondoonayo ayaa lagu magacaaba Comanchero.