Madaxweynaha Colombia oo sheegay in xasuuq shacab uu ka socdo Qaza

0
267

Madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro ayaa cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka wado Qaza.
Waxaa uu sheegay in marinka Qaza lagu qaaday dagaal ilaa iyo hadda lagu xasuuqay ugu yaraan 9,061 qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ka mid yihiin 3,760 carruur ah iyo 2,326 haween ah.
Waxaa uu barta X soo dhigay qoraal ah in Israa’iil ay doonaysa inay Falastiiniyiinta ka dabar goyso Qaza si ay ula wareegto.
Waxaa uu xusay in hoggaamiyaha gaysanaya xasuuqan uu yahay dambiile baal maray baniaadannimada.
Petro ayaa qoraalkiisa raaciyay in xulafada Israa’iil aynan ka hadli karin dimuqraadiyad.