Maxkamadda ismaamulka Lamu ayaa xukun xabsi oo 20 sano ah ku ridday 48 sano jir lagu magacaabo John Mureu Bonea.
Tani ayaa timid ka dib markii lagu cadeeyay inuu gabadhiisa oo ay da’deedu tahay 12 sano uu indhaha ka xiray isagoo marar badan faraxumeyn u gaystay.
Waaxda dacwad oogidda dalka ayaa sheegtay in Bonea uu dembigan galay xilliyo kala duwan intii u dhexeysay sanadkii 2020-kii iyo bishii Siddeedaad ee sanadkii hore.
Faraxumeynta ayaa ka dhacday tuulada Ndeu ee deegaanka Bartamaha Lamu.
Garsooraha maxkamadda Lamu,Martin Wachira ayaa sheegay in saraakiisha dacwad oogidda ay soo bandhigeen caddeymo wax ku ool ah.
Waaxda dacwad oogidda wadanka oo ay matalaysay Rosemary Karanja ayaa maxkamadda u soo bandhigay ilaa 5 marqaati .
Xaakinka ayaa xusay in gabadha ay la soo daristay tiiraanyo maskaxeed oo joogto ah ka dib faraxumeyntii uu aabaheed kula kacay.
Waaxda dacwad oogidda ayaa sheegtay in aabaha iyo xaaskiisa ay kala tageen oo ay gabadha haysato ayeydeed oo marar badan u soo diraysay guriga aabaheeda si ay uga soo qaado waxyaabaha ay uga baahato sida cuntooyinka.
Waxaa markii dambe geeriyootay ayeydeed waxaana daryeelka gabadha la wareegtay habar yarteed oo ay u sheegtay dhibaatada uu aabaheed u gaystay.
Intaasi ka dib, habar yarteed ayaa tagtay xafiiska carrurta ee deegaanka Mpeketoni oo arrinkan la wadaagay booliiska.