Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in la xiray afar eedeysanayaal oo loo haysto inay 28-kii bishii hore ee sanadkan weerareen oo ay ugu yaraan 13.5 milyan oo shilin ka dhaceen lamaane ajaaniib ah.
Tuhmaneyaasha oo lala xiriirinaya ka ganacsiga dahabka faaliska ah ayaa dembigan ka gaystay xaafadda Runda ee magaalada Nairobi.
Afarta eedeysanayaal ayaa lagu kala magacaabaa Jack Ouma Okwiri, Nashon Otieno Angudha iyo Felix Ochieng’ Nyongesa.
Saddex ka mid ah eedeysanayaasha ayaa lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen maqaaxi ku taalla xaafadda Lavington halka midka afaraad laga soo xiray Runda.