Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweyne Deni oo ka soo horjeestay baaqii xalay ka soo baxay isimada...

Madaxweyne Deni oo ka soo horjeestay baaqii xalay ka soo baxay isimada Puntland

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka soo horjeestay baaqii ka soo baxay isimada Puntland, kuwaas oo sheegay in aanay doorasho qof iyo cod ah dhici karin, iyagoo soo jeediyay in dib loogu laabto nidaamka qabaliga ahaa.
War-saxafaadeed ka soo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay, in Puntland dhegaysanayso talooyinka u hiilinaya ka mira dhallinta hannaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyinka loo madlan yahay ee hal qof iyo hal cod.
Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Puntland:

Si kastaba ha ahaatee, mucaaradka ayaa xalay soo dhaweeyay bayaanka isimada ka soo baxay, iyagoo taladooda u arka qaabka ay kaliya ee ay Puntland uga gudbi karto marxaladda xasaasiga ee haatan lagu sugan yahay.
Deni iyo mucaaradka oo meel kala fog taagan ayaa laga cabsi qabaa inay u horseedo Puntland qalalaase siyaasadeed oo dhiig badan ku daato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments