Wasiirka waxbarashada dalka oo shaaciyay wakhtiga ay ardayda dugsiyada dib ugu laabanayaan

0
941

Wasiirka wasaaradda waxbarashada dalka Prof. George Magoha ayaa shaaca ka qaaday xilliga ardayda fasaxa ku maqan ee dugsiyada dib ugu laaban doonaan.
Waxaa uu xaqiijiyay in iskuullada dib loo furi doono 10-ka bisha Shanaad ee sanadkan sida uu qorshuhu ahaa.
Tan ayaa kusoo aadeyso iyadoo walaac laga muujinayo kororka kiisaska maalinlaha ee CoronaVirus.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kiambu ayuu sheegay in xogta hadda jirta ay muujinayso hoos u dhaca kororka kiisaska ee cudurka Covid-19 ee gudaha dalka.
Waxaa uu dhanka kale xaqiijiyay inuu qorshuhu yahay in labo toddobaad gudahood lagu dhawaaqo natiijada imtixaanka qaran ee fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da