Maxkamadda sare ee dalka ayaa dhinac iskaga dhigtay dacwad loo gudbiyay oo lagu doonayay in ay hor istaagto turxaan bixinta 10 qof oo daneeynaya in ay buuxiyaan jagadii uu howlgabka ka noqday David Maraga ee madaxa cadaaladda wadanka.
Waxaa dacwadda la laalay maxkamadda geeyay labo qof oo ku doodaya in Prof. Olive Mugenda si sharci darro ah loogu magacaabay guddoomiye ku xigeenka ku meel gaarka ah ee guddiga JSC.
Hasa ahaate garsoore Anthony Murima oo kiiska loo bandhigay ayaan ku qancin macluumaadka lala wadaagay sidaas awgeedna daaqadda ka tuuray.
Xaakinka oo amray in turxaan bixinta ay socoto ayaa dhanka kale Tolphin Nafula oo ka mid ah shakhsiyaadka dacwadda geeyay ka dalbaday inuu kiiskan ku wareejiyo sii hayaha madaxa cadaaladda ee Kenya garsoore Philomena Mwilu.
Mr. Anthony ayaa sheegay in arrimaha lagu saleeyay dacwadda ay yihiin kuwo ay dhageysan karaan saddex ilaa shan garsoorayaal ah oo Mrs. Mwilu laga doonayo in ay soo magacawdo.
Madaxii cadaaladda ee Kenya David Maraga ayaa howlgab noqday bishii koowaad ee sanadkan waxaana tan iyo xilligaas jiray dadaallada loogu jiro in la helo cidii beddeli lahayd.