Madaxweynaha dalka oo guul u rajeeyay ardayda u fadhiisanaya imtixaannada qaran

0
208

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa guul u rajeeyay ardayda maanta billaabay imtixaannada qaran.
Waxaa uu sheegay in la joogo xilligii la qiimeyn lahaa horumarka ay ardayda ka gaareen waxbarashada iyo u diyaar garowga marxaladda xigta ee tacliinta.
Madaxweynaha ayaa ardayda u xaqiijiyay in dowladdu ay qaadday tallaabo kasta oo garab lagu siinaya sidii ay u guulaysan lahaayeen isagoo ku tilmaamay hoggaamiyaasha mustaqbalka.