DHAGEYSO:Qoysaska arday ku dhintay Uasin Gishu oo cadaalad dalbanaya

0
245

Qoysaska 5 arday oo shalay ku dhintay deegaanka Ainabkoi ee ismaamulka Uasin Gishu ka dib markii ay gadoontay doon ay saarnaayeen ayaa waxay dowladda ka dalbanayaan inay cadaalad helaan.
Ardaydan ayaa ka mid ahaa kuwa isku diiwaangeliyay inay sanadkan u fadhiistaan imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da oo berri billaabanaya.
Waxay dhiganayeen dugsiga hoose dhexe ee dowliga ah ee Arap Moi iyagoo goobta loo yaqaano Amazement Park u tagay inay ku soo damaashaadaan oo ay halkaasi ku cayaaraan cayaaro kala duwan.
Qaar ka mid ah waalidiinta iyo ehellada ardaydan oo warbaahinta la hadlay ayaa cadaalad dalbanaya waxayna su’aal geliyeen sida ay carruurtooda doon ula gadoontay iyagoo ay macallimiin wehelinayeen.

Milkiilaha maqaaxidaasi Beatrice Kipchirchir ayaa dhankeeda sheegtay in doonta loogu talagalay inay qaaddo saddex qof balse ay ardayda isticmaalayeen iyagoo shan ah taasoo sababtay inay qallibmato.