Waxaa dembi loo haystay qiratay haweeney lagu magacaabo Anne Adhiambo oo ku eedeysnayd inay dishay sii hayihii xilka agaasimaha maaliyadda ee isbitaalka Nairobi Hospital , Eric Maigo.
Maanta oo ay ka soo hormuuqatay maxkamadda sare ee dalka ayaa saddex mar luuqadda Sawaaxiliga loogu akhriyay dacwadda loo haysto.
Waxay garsoore Kaanyi Kimondo u sheegtay inay sax tahay inay dishay Eric Maigo.
15-kii bishan ayay ahayd markii Anne Adhiambo laga dhex arkay muuqaal ay duubtay kaameerada qarsoon ee CCTV-da iyadoo ka baxsanaysa guri la rumeysan yahay in lagu dhex dilay Maigo oo ku yaalla aagga Jamhuri ee magaalada Nairobi.
Waxaa baaritaano ka dib soo baxday in Eric Maigo 25 mar toorri la geliyay.
Adhiambo ayaa laga soo qabtay deegaanka Kibera ee caasimadda dalka.