Daadad la saadaalinaya inay ku dhuftaan Waqooyi Bari

0
304

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa soo saartay digniin ku aaddan in laga cabsi qabo in fatahaado iyo duufaanno ay ku dhuftaan gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.
Waaxda ayaa bayaan ku sheegtay in sidoo kale la rajeynaya inay sii socdaan roobabka da’aya.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo daadad ka dhashay roobab ka da’ay ismaamullada Marsabit iyo Bungoma ay ku dhinteen saddex qof oo uu ka mid yahay waayeel 70 sano jir ah.
Waaxda ayaa dadweynaha ugu baaqday inay taxaddar muujiyaan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka William Ruto sheegay in wadanka aynan ka di’i doonin roobab u culus sidii horay loo saadaaliyay.