Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa aqoonyahaannada ku takhasusay arrimaha nabad galyada ku boorriyey inay dowladda kala shaqeeyaan dejinta tallaabooyin ka hor tag u noqon karo caqabadaha dhanka ammaanka ee ka jiro wadanka.
Waxaa uu ku taliyay in dhammaan daneeyayaasha amniga ay ka qayb qaataan wada xaajoodyada qaran ee ay Kenya iyo si guud gobolka kula tacaalayaan dagaallada.
Omollo ayaa xusay in hadda lagu howlan yahay marxaladdii ugu dambeysay ee dib u eegista nidaamka qaran ee nabadda oo la soo bandhigi doono dabayaaqada sanadkan.
Xoghayaha ayaa arrinkan ka hadlay xilli uu si rasmi ah u furay shir nabadeed heer caalami ah oo lagu qabanaya jaamacadda caalamiga ee Afrika ee (AIU) oo ku taalla xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa uu Dr. Raymond Omollo xusay in kulankan oo socon doono saddex cishe xoogga lagu saari doono is waafajinta mabaadi’ida iyo geeddisocodka nabadda ee Afrika.
Sidoo kale ka qayb galayaasha ayaa qiimeyn ku sameyn doono khibradda ay Kenya ka kororsatay wax ka qabashada dagaallada iyo xoojinta nabad galyada.




