Booliska ismaamulka Embu oo baaraya qof rayid ah oo isaga oo mayd ah la helay

0
503

Booliska Ismaamulka Embu ayaa baaritaan ku sameynaya meydka qof rayid ah oo la helay.
Waxaa meydka lagu arkay goobtii uu qofkan ka shaqaynayay oo ku taala ismaamulkaasi.
Ninkan oo 80-sano jir ah ayaa lagu magacaabi jiray David Mulonzi .
Waxaa uu ahaa waardiyaha mid ka mida xarumaha dowladda ee lagu barto farsamada gacanta.
Taliyaha booliska galbeedka ismaamulka Embu Nick Kipkorir, waxaa uu sheegay inay wadaan baritaano dheeri ah oo ku saabsan geerida waardiyahan iyo waxa sababay.
Waxaa meydkiisa loo qaaday qaybta la dhigo meydadka ee ismaamulkaasi si baaritaano loogu sameeyo.
Ma cadda ilaa iyo hadda waxa sababay geerida waardiyaha.