Wasiirka dalxiiska oo qiimeyn ku sameynaya isku dhacyada duurjoogtda iyo aadanaha

0
357

Wasiirka wasaaradda dalxiiska iyo arrimaha duurjoogta ee dalka Dr. Alfred Mutua ayaa billaabay socdaallo uu ku maraya qaybaha kala duwan ee wadanka si uu u ogaado xaqiiqada la xiriirta waxyeellada ay duurjoogta gaarsiiso shacabka.
Waxaa uu socdaalkiisa ka billaabay degmooyinka Kibwezi iyo Mtito-Andei ee ismaamulka Makueni halkaasi oo laga soo tabiyay iskudhacyo badan oo u dhexeya duurjoogta iyo dadweynaha.
Alfred Mutua ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu xoojinaya dadaallada looga hor tagi karo dhibaatooyinkan.
Wasiirka ayaa booqday hooyo uu ka geeriyooday oday lagu magacaabi jiray Ndeleva Matuti oo uu maroodi dilay.
Isagoo qoyskaasi u tacsiyadeeyay ayuu Alfred Mutua dhanka kale sheegay in geerida Ndeleva ay caddeyn u tahay caqabadaha ay bulshooyinka kala kulmaan duurjoogta.
Waxaa uu ku celceliyay inay lagama maarmaan tahay in dhibaatadan loo helo xal waara oo degdeg ah.
Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa Makueni ku wehelinayay barasaabka ismaamulkaasi Mutula Kilonzo Junior, xildhibaanka bariga Kibwezi Jessica Mbalu, dhigiisa galbeedka Kibwezi Mwengi Mutuse iyo saraakiil sare oo ka tirsan waaxda duurjoogta dalka ee KWS.
Wasiirka wasaaradda dalxiiska iyo duurjoogta ee dalka Dr.Alfred Mutua ayaa sheegay ka dib markii ay korortay tirada dadweynaha oo ay gudaha u galeen meelo ay horay ku noolaayeen duurjoogta in waxyeelladu ay sare u kacday.
Waxyaabaha u baahan in si degdeg ah loo xalliyo ayuu ku sheegay burburinta dalagga , xoolaha ay duurjoogta cunto iyo weerarrada ay ku qaaddo qaar ka mid ah shacabka.
Wasiirka ayaa xusay in bulshooyinka ku nool deegaannada hoose ee dalka iyo tuulooyinka laga qayb gelin doono wada tashiyo ku saabsan sida lagu yareyn karo dhibaatooyinka uga yimaada dhanka duurjoogta, in sidoo kale magdhow la siiyo dhibbanayaasha dhanka kalena la dhaqangeliyo nidaamyo wax ku ool ah oo lagu adkeynaya xeyndaabka seeraha duurjoogta lagu xanaaneeyo.
Horraantii sanadkan ayay ahayd markii adeegga duurjoogta ee dalka ee (KWS) uu soo dhisay qayb gaar ah oo qaabilsan falcelinta oo roondooyin ka sameeya meelaha ay ku badan yihiin iskudhacyada u dhexeya dadweynaha iyo duurjoogta.
Kooxdan oo loo yaqaano Problem Animal Management Unit ama laanta maareynta dhibaatooyinka xayawaannada ayaa si dhow ula shaqeeysa bulshooyinka si arrimahan loo yareeyo.
Bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay dowladda Kenya daahfurtay magdhow lacageed oo dhan 908 milyan oo shilin oo la siinaya xubnaha qoysaska ee ay duurjoogta dishay ama dhaawacday dadkooda iyo hadii ay hanti ka burburisay.