Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ayaa sheegtay in madaxweynaha dalka William Ruto uu sanadka soo socdo safar rasmi ah ku tagi doono wadanka Japan.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu Ra’iisul Wasaaraha Japan ,Fumio Kishida safar ku yimid Kenya.
Safarka madaxweynaha ee Japan ayaa la xaqiijiyay maanta xilli ay kulmeen isaga iyo safiirka dowladda dalkaasi ku matalo Kenya Ken Okaniwa.
Ambasadoor Okaniwa ayaa madaxweyne William Ruto soo gaarsiiyay farriin uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha Japan.
Madaxweynaha dalka ayaa carrabka ku adkeeyay in labada waddan uu ka dhexeyo xiriir iyo iskaashi adag oo soo jireen ah.
Waxaa uu dowladda Japan ku boggaadiyay inay Kenya garab ku siiso fulinta mashaariicda kaabayaasha muhiimka ah.
Waxaa uu dowladda Japan uga mahadceliyay maalgelinteeda dhanka caafimaadka, beeraha , waxbarashada , ballaarinta sheybaarka machadka sameeya cilmi baarista caafimaad ee (KEMRI), dhismaha waddada Southern bypass ee Mombasa iyo dhaqangelinta nidaam gaadiid oo ka jiro ismaamulkaasi.
William Ruto ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Kenya iyo Japan ay u dabbaal degayaan 60 sano oo xiriir dibloomaasiyadeed ah , saaxiibtinnimo iyo iskaashi ganacsi.
Bishii Shanaad ee sanadkan ayay ahayd markii ay madaxweynaha dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida ay wada hadalladoodi diiradda ku saareen iskaashiyada ganacsi iyo kuwa dhaqaale ,deeqaha waxbarasho , horumarinta kaabayaasha iyo wax ka qabashada amniga gobolka sida xaaladda Suudaan.