DHAGEYSO:Barasaabka Mandera oo soo dhaweeyay go’aan uu guddiga TSC shaqada uga joojiyay macallimiin diiday inay ka howlgalaan WQ

0
293

Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha laga soo doortay ismaamulka Mandera ayaa soo dhaweeyay tallaabadii uu guddiga adeegga macallimiinta dalka ee TSC uu shaqooyinkii ay hayeen uga joojiyay barayaal dalbanayay in laga soo beddelo dugsiyada ku yaalla gobolka Waqooyi Bari sababo amni awgood.
Barasaabka dowlad deegaanka Mandera Maxamad Aadan Khaliif ayaa sheegay inuu soo dhaweynaya tallaabadaasi.
Guddoomiyaha ayaa dhallinyarada deegaanka ku dhiirigeliyay inay ku biiraan xarumaha tababarka ee caluunta macallinimada si kor loogu qaado heerka waxbarasho ee gobolka.