DHAGEYSO:Mucaaradka Azimio oo digniin cusub soo saaray

0
264

Siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ayaa wacad ku maray inay iskaga baxayaan wada hadallada qaran ee siyaasadeed haddii aan mudnaanta koowaad la siin xallinta sicir bararka nololeed ee dalka ka jiro.
Madaxdan oo uu hor kacaya Raila Odinga ayaa intaasi ku daray in haddii aan arrintan la tixgelin aynan qayb ka noqon doonin diyaarinta warbixinta waxyaabaha ka soo baxay wada hadallada oo la filaya in la gudbiyo ka hor 26-ka bisha 11-aad ee sanadkan.
Raila Odinga iyo Eugene Wamalwa ayaa ku celceliyay inay qasab tahay in la yareeyo qiimaha sarreeya ee maciishadda haddii kale uunan jiri doonin heshiis siyaasadeed oo ay gaaraan mucaaradka iyo maamulka wadanka hoggaamiyo ee Kenya Kwanza.