Barasaab ku xigeenka ismaamulka Busia Arthur Odera ayaa dhakhaatiirta gadoodsan ee dowlad deegaankaasi ugu baaqay inay shaqooyinkooda dib ugu laabtaan.
Waxaa uu sheegay in dowladda ismaamulka Busia ay ku dadaalaysa xallinta tabashooyin ay qabaan howlwadeennada caafimaadka balse sharad looga dhigaya inay shaqo joojinta soo afjaraan.
Waxaa uu Odera dhanka kale beeniyay in maamulkaasi uu ku fashilmay inuu tixgeliyo heshiiskii uu la gaaray dhakhaatiirta kaasoo la saxiixay xilli ay sanadkii 2020-kii sameyeen shaqo joojin.
Waxaa uu ku xigeenka guddoomiyaha Busia wacad ku maray in tallaabo edbin ah laga qaadi doono saraakiisha caafimaadka ee shaqo joojinta ku howlan tan iyo Talaadadii hore hadii aynan toddobaadkan tagin goobahooda shaqo.
Dhakhaatiirtan oo ka tirsan ilaa 17 qaybood ayaa dalbanaya in dallacsiin loo sameeyo , in la siiyo mushaaraad ka maqan sidoo kalena in la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.




