DHAGEYSO:Raila Odinga oo sheegay inay qasab tahay in shacabka Falastiin ay xuquuqdooda helaan

0
199

Hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa xilli uu ku sugnaa magaalada Kitengela ee ismaamulka Kajiado sheegay inay qasab tahay in shacabka dalka Falastiin ay helaan xuquuqdooda.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inay doonayaan in ay nabad ka jirto wadanka iyo guud ahaan dalalka caalamka.
Mr.Odinga ayaa xusay in ay lagama maarmaan tahay in la ogaado xaqiiqada.
Madaxa Azimio ayaa sheegay in aynan nabad jiri karin ilaa iyo inta ay Falastiiniyiinta ka helayaan xuquuqdooda oo ah in loo aqoonsado inay si joogto ah oo xor ah ugu noolaadaan dhulkooda iyadoo la tixgelinaya madax bannaanida Falastiin tani oo uu sheegay in aan laga hadlayn.
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa sheegay in la arkaya madax intey tagaan Israa’iil dhinac la safanaya iyagoo dhanka kalena cambaareynaya iyadoo la weeraraya goobo ay ka mid yihiin isbitaallo ay ku jiraan dadka bukaan ah.
Raila Odinga ayaa tilmaamay in la doonayo in dhacdooyinka ay cambaareyso cid kasta oo daneynaysa baniaadannimada xilligaasi ka dib ayaana nabad la heli karaa sida uu hadalka u dhigay.

7-dii bishan ayay ahayd markii madaxweynaha dalka William Ruto qoraal uu soo dhigay barta X ee horay la oran jiray Twitter-ka uu ku sheegay in Kenya ay garab taagan tahay Israa’iil oo ayna cambaareynaysa weerarradii ururka Xamaas oo uu ku tilmaamay falal argagixisannimo.