Ugu yaraan 2 qof oo ku dhintay weerar ay Israa’iil ku qaadday masjid ku yaalla Daanta Galbeed

0
250

Saraakiisha dalka Falastiin ayaa sheegay in ugu yaraan labo ruux lagu dilay weerar dhanka cirka ah oo ay Israa’iil ku bartilmaameedsatay masjid ku yaalla Daanta Galbeed.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay inuu saaka duqeeyay masjidka Al-Ansar.
Waxay intaasi ku dareen inay dileen dhowr qof oo ka tirsan ururrada Xamaas iyo Islamic Jihad ee Falastiin oo halkaasi u isticmaalayay talis dhexe ahaan.
Waxaa baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo laga dheehan karo burburka la gaarsiiyay masjidkaasi oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Jenin.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in labo qof oo kale lagu dilay weerarro ka dhacay magaalooyinka Nablus iyo Tubas.
Dhanka kale ururka Xamaas ayaa sheegaya in ugu yaraan 55 qof oo Falastiiniyiin ah lagu dilay duqeymo ay xalay Gaza ka gaysatay Israa’iil.