Senatarka ismaamulka Nandi Samson Cherargei ayaa dalbaday in wasiirka wasaaradda cayaaraha ee dalka Ababu Namwamba lagula xisaabtamo isbuurasho Jimcihii laga soo tabiyay fagaaraha Wilson Kiprugut Chumo ee ismaamulka Kericho.
Waxaa dhacdadaasi ku dhintay afar ruux oo haween ah iyadoo 13 kalena ay ku dhaawacmeen.
Cherargei ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay in isbuurashada laga hor tagi karay haddii fagaaraha loo dhisi lahaa qaab lagu tixgelinaya hal-beegyada badqabka.
Waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay isbuurashadii dhacday maalin ay Kenya xusaysay maalinta qaran ee halyeeyada.
Senatarka Nandi ayaa ku celceliyay in ay soo baxday in wasaaradda cayaaraha ee dalka aynan shaqo tayo leh ka qaban fagaarahaasi.
Samson Cherargei ayaa sheegay in arrintaasi ay fadeexad ku tahay qaranka isagoo raaligelin ka bixiyay.
Waxaa uu dhanka kale tacsi u diray qoysaska afartii ruux ee isbuurashada ku nafwaayay isagoo caafimaad degdeg ah u rajeeyay dhaawaca.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sidoo kale horay u diray tacsi arrinkan la xiriirta.
Dhanka kale ciidamada booliiska ee dalka ayaa billaabay baaritaano ku aaddan xaqiijinta sida ay isbuurashadaasi ku dhacday iyadoo ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran shacabka ugu baaqday inay is dejiyaan.
Wasaaradda ayaa dadka dhaawacmay ee isbitaallada ku jira ku sheegtay 10 qof oo isugu jiro 4 shacab iyo 6 booliis ah.