Booliiska xaafadda Kayole ee magaalada Nairobi ayaa gacanta ku haya haweeney la sheegay inay ku lug leedahay maqnaanshaha ninkeeda oo la waayay toddobaad ka hor.
Teresia Masese ayaa laga soo qabtay gurigeeda oo ku yaalla aagga Mihango ee xaafadda Utawala ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa ay qortay warbixin ku saabsan maqnaanshaha seygeeda oo lagu magacaabo Evans Moracha.
Ninka la la’ yahay oo taksiile ahaa ayaa baabuurkiisa la heley balse ilaa iyo hadda lama hayo halka uu jaan iyo cirib dhigay.
Baaritaano ay sameeyeen ciidamada booliiska ayaa lagu ogaaday in ninka maqan ay gurigiisa ka kaxaysteen dad aan wali haybtooda la aqoonsan.