Bannaanbax lagu taageeraya Falastiin oo ka socdo Malaysia

0
226

Waxaa beerta xurriyadda ee Independence Square ee magaalada Kuala Lumpur, dalka Malaysia isugu soo baxay kumanaan qof.
Dadkan ayaa muujinaya sida ay uga xun yihiin duqeymaha ay Israa’iil ka wado marinka Qaza ee wadanka Falastiin.
Isu soo baxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay hay’adaha Malaysia sida VPM iyo MyCare.
Dadka badankooda waxay sitaan boorar ay ku qoran yihiin Falastiin xor ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hay’adaha soo abaabulay bannaanbaxa maanta ka dhacaya Malaysia inay gargaar baniaadannimo u direen Falastiin.
Jimcihii ayay ahayd markii dibadbax ballaaran lagu qabtay afaafka hore ee safaaradda Maraykanka ee magaalada Kuala Lumpur ee caasimadda Malaysia iyadoo dibadbaxayaasha ay dalbadeen in Maraykanka uu joojiyo taageeridda Israa’iil.