Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaaciyay in muwaadiniinta wadanka Angola ee Kenya imaanaya aan lagu xiri doonin dal ku gal.
Tani ayaa timid ka dib heshiisyo ay shalay wada saxiixdeen madaxweyne William Ruto iyo dhigiisa dalka Angola João Lourenço oo dalka ku joogo booqasho rasmi oo saddex cishe ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabada meesha looga saaray fiisaha la siinayay shacabka Angola marka ay wadanka soo galaan ay tahay mid lagu xoojinaya ganacsiga u dhexeya labada dal.
Waxaa fursaddan ka faa’iidaysanaya rayidika wadankaasi ee haysta baasaboorka.
William Ruto ayaa xusay in dhigiisa Angola uu qaadi doono tallaabo tani la mid ah marka uu wadankiisa dib ugu laabto.
Waxaa horay fursad tani la mid ah loo fidiyay muwaadiniinta waddamada Koonfur Afrika Eritrea iyo Comoros.



