Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ciidamada ammaanka ee degmada Mlolongo ee ismaamulka Machakos ay bastoolad ka soo heleen goob uu dhisme ka socday.
Waxaa bastooladda ku jiray ilaa 5 xirmo oo rasaas ah.
NPS ayaa intaasi ku dartay in la raadinaya eedeysane lala xiriirinaya hubkan.
Waaxda ayaa dhanka kale bulshada uga mahadcelisay wada shaqeyntooda iyo xogaha ay la wadaageen oo suurtagelisay in bastooladda la helo.
Sidoo kale adeegga qaran ee NPS ayaa cid kasta oo haysa macluumaad loo adeegsan karo baaritaannada arrinkan ku aaddan ugu baaqday inay la xiriirto xarunta ugu dhow ee booliiska ama ay wacdo nambarrada bilaashka ee kala ah 999, 112 iyo 911 .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo booliiska dalka ay wadaan dadaallo lagula tacaalaya hubka sharci darrada ah si looga hor tago in loo adeegsado falal dambiyeedyada.



