DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay mideynta shacabka

0
461

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa khudbadiisa maanta ee xuska maalinta qaran ee halyeeyada wadanka ku sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay inay xoojiso midnimada shacabka.
Waxaa uu sheegay in maamulka Kenya uu dhammaan shacabka ugu adeegi doono si siman oo aan ku saleysnayn takoor qabiil, diimeed iyo mid siyaasadeed.
Madaxweynaha ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in wadanka horumar la gaarsiin doono iyadoo loo maraya fulinta mashaariicda horumarineed.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa isagoo tilmaamay in aan marnaba la oggolaan doonin in la lunsado lacagaha canshuur bixiyeyaasha wadanka.