DHAGEYSO:Magaca fagaaraha Kericho oo la beddelay

0
271

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta shaaciyay inuu magaca ka beddelay fagaaraha Kericho Green Stadium.
Waxaa hadda loo yaqaanaa Kiprugut Chumo Stadium.
Waxaa loogu magacdaray Wilson Kiprugut oo ahaa kenyaankii ugu horreeyay ee ku guulaystay billlada orotanka Olimbikada .
Wilson ayaa sanadkii hore geeriyooday isagoo 84 sano jir ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in orodyahaankan uu u qalmo in fagaaraha Kericho loogu magac daro.
Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale shacabka ismaamulka Kericho uga mahadceliyay inay bishii 8-aad ee sanadkii hore u doorteen hoggaanka wadanka.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay dhul dhan 1,000 eekar u adeegsan doonto in la ballaariyo magaalada Kericho oo uu sheegay inuu hadda ciriiri ka jiro.
William Ruto ayaa xusay inuu Kericho dib ugu laaban doono si uu u hirgeliyo mashaariicda dhanka caafimaadka iyo biyaha ah.