Siyaasiyiinta Azimio oo wacad ku maray carqaladeynta howlaha baarlamaanka

0
258

Hoggaamiyaasha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya ayaa ku hanjabay inay maalinka Talaadada ee isbuuca dambe ay carqaladeyn doonaan howlaha baarlamaanka.
Hanjabaaddan ayay sheegeen inay ka dhabeynayaan haddii guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta Moses Wetangula uunan ansixin isbeddel dhanka hoggaanka ah oo uu garabka mucaaradka sameeyay.
Madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi ayaa su’aal geliyay dib u dhaca ku yimid in la beddelo Sabina Chege oo weli ah ku xigeenka madaxa abaabulka ee Azimio ee gudaha baarlamaanka.
Waxaa uu dalbaday in Wetangula uu u hoggaansamo go’aankii Azimio ee ay maxkamaddu ayiday ee xilkan looga qaaday Sabina Chege laguna beddelay mudanaha deegaanka Galbeedka Embakasi Mark Mwenje.
Opiyo Wandayi ayaa sheegay in haddii aan lagu tallaaba qaadin go’aankii maxkamadeed ee 9-kii bishan in marka la gaaro Talaadada xaaladda baarlamaanka aynan sii ahaan doonin sidii caadiga ahayd.
Isbeddelkan ay dalbanayaan in la dhaqangeliyo ayay Azimio sameysay 30-kii bishii Shanaad ee sanadkan.