Kenya oo maanta looga dabbaal degaya maalinta qaran ee halyeeyada

0
354

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta kenyaanka ku hoggaamin doono u dabbaal degga maalinta qaran ee halyeeyada wadanka ee Mashujaa Day.
Xuskan ayaa sanad kasta la qabtaa 20-ka bisha Tobnaad.
Dabbaal degga ugu wayn ayaa lagu qabanaya fagaaraha Kericho Green Stadium.
Waxaa la qorsheeyay in ilaa 10,000 oo qof ay dabbaal deggaasi ka qayb galaan.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ayaa sheegtay in amniga si wayn loo adkeeyay.
Madaxweyne William Ruto ayaa la filayaa inuu khudbadiisa ku soo qaato doorkii ay halyeeyadii wadanka ka soo qaateen halgankii xurriyad doonka.
Hal ku dhigga xuska Mashujaa Day ee sanadkan ayaa ah barnaamijka caafimaadka guud ee UHC oo uu madaxweynaha dalka maanta si rasmi ah u daahfuri doono.