KNEC oo shaacisay waxyaabaha mamnuuca ah xilliga imtixaannada

0
359
Golaha imtixaannada qaran ee KNEC ayaa shaaciyay in aan goobaha imtixaannada shahaaddiga ah lagu sameynaya lala geli karin taleefoonnada gacanta ,qalimada kaameerada ah,qalabka wax lagu dhageysto, saacadaha casriga ah, kombiyuutarrada yaryar iyo qalab kasta oo lagu xiriirin karo Bluetooth.
Waxaa sidoo kale mamnuuc ah boorsooyinka , in jirka waxyaabo lagu qoro iyo qoraallada la daabacay.
KNEC ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ee la oran jiray Twitter-ka waxay dhanka kale guul u rajeysay ardayda sanadkan sameynaya imtixaannada qaran ee dhawaan billaabanaya.
Dhawaan ayay ahayd markii xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha waxbarashada Dr. Belio Kipsang uu mas’uuliyiinta loo xil saaraya maareynta imtixaannada ugu baaqay inay waajibaadkooda uga soo baxaan sida habboon oo ay xaqiijiyaan in natiijada imtixaanaadka ay noqoto mid lagu kalsoonaan karo.
Waxaa sanadkan inay u fadhiistaan imtixaanka fasalka 4-aad ee dugsiyada sare ee KCSE-da isku diiwaangeliyay arday dhan 903,260.
Imtixaannadan ayaa lagu sameyn doonaa 10,651 xarumood guud ahaan dalka sida laga soo xigtay golaha KNEC.
Sidoo kale waxaa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE-da isku diiwaangeliyay arday gaaraya 1,415,315.
Xarumaha imtixaannadan lagu sameynaya ayaa ah 28,533.
Sidoo kale waxaa imtixaannada heerka 6-aad ee KPSEA sameyn doono 1,282,574 oo arday ah oo loogu talagalay 32,584 xarumood.
Imtixaannada sanadkan ayaa noqonaya kuwa ugu dambeeya ee manhajka waxbarashada ee 8-4-4 iyadoo uu dalka si buuxda ugu wareegaya hannaanka cusub ee CBC oo ku saleysan in ardayda xilli hore laga soo dhiso dhanka xirfadaha.