Israa’iil oo xalay duqeymo ka gaysatay Qaza

0
319

Warbaahinta dalka Falastiin ayaa ku warramaysa in xalay ay Israa’iil weerarro dhanka cirka ah ka fulisay Qaza halkaasi oo dhowr qof lagu dilay.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay shacabka baroordiiq u sameynayaan dadkii lagu dilay weerarkii lala eegtay isbitaalka Qaza ee Al-Ahli .
Dhanka kale ciidamada Israa’iil ayaa ugu yaraan 5 Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed sida laga soo xigtay ururka Bisha Cas ee Falastiin.
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dhigiisa Masar Cabdel Fataax el-Sisi ku bogaadiyay inuu oggolaaday in la furo marinka magaalada Rafah si halkaasi looga gudbiyo 20 baabuur oo sida xamuul gargaar baniaadannimo ah oo la geynaya Qaza.
Ugu yaraan 3,480 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza tan iyo 7-dii bishan.
Weerarkii uu xilligaasi Israa’iil ku qaaday ururka Xamaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 1,400 oo qof.