Madaxweynaha Maraykanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo kulmay

0
319

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo maanta tagay Israa’iil ayaa magaalada Tel Aviv kula kulmay ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu.
Waxaa uu u sheegay in xukuumadda Washington ay Israa’iil siin doonto wax waliba oo ay u baahan tahay si ay isku difaacdo.
Joe Biden ayaa intaasi ku daray in 31 qof oo u dhashay Maraykanka ay ka mid yihiin in ka badan 1,400 oo qof oo gudaha Israa’iil lagu dilay weerarkii ururka Xamaas ee dalka Falastiin ee 7-dii bishan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay Israa’iil weli duqeymo ka wado Qaza.
Tirada Falastiiniyiinta lagu dilay weerarrada Israa’iil ee Qaza ayaa gaartay 3,300 oo qof.
Waxaa la dhaawacay in ka badan 13,000 oo qof sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Falastiin.
Dhanka Daanta Galbeed, waxaa lagu dilay 61 Falastiiniyiin ah iyadoo la dhaawacay 1,250 oo kale.
Gudaha Israa’iil waxaa lagu dilay ugu yaraan 1,400 oo ruux waxaana la dhaawacay 4,475 dheeraad ah.