Militariga Israa’iil ayaa sheegay in tan iyo weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii bishan Tobnaad in tirada ciidamada difaaca ee laga dilay ay tahay ugu yaraan 304 sarkaal.
Tani ayaa timid ka dib markii la aqoonsaday labo askari oo dheeraad ah.
Dhanka kale waxaa weerarrada Israa’iil ee Qaza ku dhintay in ka badan 3,000 oo Falastiiniyiin ah halka dhanka Israa’iil laga dilay ugu yaraan 1,400 oo ruux.