Hoggaamiyaha Jarmalka oo ku baaqay in la baaro weerarkii isbitaalka Qaza

0
210

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay inay muhiim tahay in baaritaan lagu sameeyo weerarkii ay Israa’iil la eegatay isbitaal ku yaalla Qaza.
Waxaa uu sheegay inuu ka naxay sawirrada qaraxa halkaasi laga soo tabiyay.
Madaxa Jarmalka ayaa xusay in la dilay oo la dhaawacay rayid aan waxba galabsan.
Qoraal uu soo dhigay barta X ayuu ku sheegay inay murugada la qaybsanayaan qoyska iyo dhibbanayaasha ay arrintan saameysay.