In ka badan 500 oo qof oo lagu dilay weerar ay Israa’iil ku qaadday isbitaal ku yaalla Qaza

0
210

Wasaaradda caafimaadka ee Qaza ayaa shaacisay in ugu yaraan 500 oo qof la dilay.
Tani ayaa timid ka dib weerar lala eegtay isbitaalka Al-Ahli Baptist Hospital.
Dadka weerarka ku dhintay badankooda ayaa la sheegay inay yihiin carruur iyo haween.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la duqeeyay dugsi ay maamusho qaramada midoobay oo hooy u ah qaxootiga.