650 qof oo ilaa iyo hadda lagu xiray Daanta Galbeed iyo bariga Quddus

0
395

Hay’adda arrimaha xuquuqul aadanaha iyo caawimaadda dhanka sharciga ee Quddus ayaa sheegtay in tan iyo 7-dii bishan ayay korortay tirada dadka lagu xiray Daanta Galbeed.
Ciidamada Israa’iil ayaa Daanta Galbeed iyo Bariga Quddus ku xiray ugu yaraan 650 qof oo Falastiiniyiin ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Agaasimaha hay’addan , Issam Arouri.
Waxaa uu Israa’iil ku eedeyay inay muddo tobaneeyo sano ah haysato meydadka boqolaal Falastiiniyiin ah.
Waxaa uu xusay inaynan weli maqal siyaasi ama afhayeenka qaramada midoobay oo arrintan ka hadlaya.
Tani ayuu ku tilmaamay dembi dagaal oo uu beesha caalamka ku eedeyay inaynan daacad ka ahayn.