Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in haddii 24 saacadood gudahooda aan gargaar caafimaad la gaarsiin marinka Qaza ay halkaasi soo foodsaari karto xaalad adag.
Agaasime goboleedka WHO ee bariga Mediterranean-ka, Axmed al-Mandhari ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegay in haddii aan la fasaxin in gargaar caafimaad la geeyo Qaza in dhakhaatiirta ay danta ku qasbi doonto inay bukaannada u diyaariyaan shahaadooyinka dhimashada.
Waxaa uu Al-Mandhari intaasi ku daray in saraakiisha gurmadka uu ka tan badiyay culeyska jira , dhakhaatiirta inay dadaalayaan balse uunan nafaas jirin sidaasi awgeedna uu daryeelka caafimaad liito.
Waxaa dhanka kale muddadan ka dib laga cabsi qabaa inay istaagaan adeegyada biyaha , tamarta iyo shidaalka.
Israa’iil ayaa maalinkii 10-aad duqeymo dhanka cirka ah ka wada Qaza iyadoo ka aargoosanaysa weerarkii uu ururka Xamaas 7-dii bishan ka gaystay Koonfurta Israa’iil ee lagu dilay ilaa 1,400 qof oo shacab u badan.
Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa dhankeeda sheegtay in ilaa iyo hadda Qaza lagu dilay 2,750 qof halka 9,700 kalena la dhaawacay.
Qaramada midoobay ayaa dhankeeda laga soo xigtay in weerarrada ay ku barakaceen in ka badan hal milyan oo qof.




