Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa difaacay qorshaha la doonaya in 1,000 ka mid ah ciidamada booliiska Kenya lagu geeyo wadanka Haiti si ay qayb uga noqdaan howlgal ballaaran oo nabad sugid ah.
Waxaa uu xusay in golaha ammaanka ee qaramada midoobay UNSC uu arkay in Kenya ay leedahay ciidamo boolis ah oo tayo leh.
Gachagua ayaa sheegay in tallaabadan ay horseedi doonto in saraakiisha booliiska Kenya ay helaan xirfado badan taas oo ka dhigan inay la macaamili doonaan saraakiil ka soo jeeda dalal kale.
Waxaa uu intaasi ku daray in qorshahan loo mari doonaan qab sharci ah.




