Hay’adda Laanqayrta Cas laanteeda ismaamulka Kirinyaga ee gobolka Bartamaha dalka ayaa wado olole wacyi gelin ah.
Waxay shacabka deggan meelaha uu jooggoodu hooseeya ugu baaqday inay u wareegaan goobaha sare si looga hor tago saameyn ka soo gaari karta roobabka culus ee la rajeynaya ee El Nino.
Hay’adda ayaa dadweynaha ku boorrisay inay tixgeliyaan digniinnada iyo baaqyada waaxda saadaasha hawada ee dalka.




